|
Hiiraan ,(insidesomalia.org)- Xaflad xil Wareejin ah oo la doonayay in ay xilka ku kala wareegaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyihii hore ayaa maanta waxaa ku yimid dib u dhac Taasoo ilaa iyo hada aan la ogeyn Sababaha keynay in ay dib u dhacdo Xafladaasi.
Ilo ku dhaw Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed hagar Yuusuf dabageed ayaa sheegay in uu ka dhega adeegay in uu Xilka iska Wareejiyo,waxaana jira in Xafladii lagu waday in ay ka dhacdo xarunta Gobolka ayaa waxaa ay ku kala qeybsan yihiin Xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Hasa ahaateen waxaa jira wadahadal aan la shaacin oo dhaxmaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Buurta Jante Kundishe, kaasi oo ay kala hadlayaan in xiligaan ay haboontahay in xilka uu si nabad ah isga wareejiyo.
Xubanaha Maamulka Cusub oo Xaflada xil wareejinta ah lagu qabanayay xarunta Maamulka Gobolka ayaa u badalay xafladooda mid isbarasho ah, iyagoo Shacabka Gobolka Hiiraan ay sugayeen in xarunta ay ka dhacdo xil wareejin balse aysan suura galin sida ay rabeen.
Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan oo Munaasabadaan lagu qabanayay ayaa ah meel fariisin u ah Ciidamada Itoobiya, islamarkaana amaanka si weyn ay u sugayeen Ciidamada Itoobiya,waxaana dadka baarayay Ciidamo aan sidaasi u badneen oo uu watay Gudoomiyaha Maamulka Cusub iyo Ciidamada Itoobiya.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Maxamed ayaa dadkii isugu soo baxay Xarunta Gobolka waxa uu u sheegay in uu diyaar u yahay in uu la qeybsado dadkiisa dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan waa sida uu hadalka u dhigay,waxaana Guddoomiyaha uu intaasi ku daray in Gobolka Hiiraan uu hormar gaarsiindoono.
Saaka ayaa Ciidamada Itoobiya waxa ay xireen dhamaan Wadoonka soo gala Xurumaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo hoyga Guddoomiyaha Cusub.
|